Uncategorized

Dad lagu dilay kaniisad ku taalla Wadanka Pakistan

Weerar loo adeegsaday qarax iyo rasaas oo lagu qaaday kaniisad ku taalla Pakistan ayaa lagu dilay dhowr qof sida ay wararku sheegayaan.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Quetta oo 65 KM u jirta xuduudda Afghanistan.

8 qof ayaa lagu dilay, 15 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysay sarkaal booliska ka tirsan.

Weerarku wuxuu dhacay ayadoo lagu ducaysanayey kaniisadda Methodist sida uu warbaahinta maxalliga u sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee gobolkaas Sarfaraz Bugti.

Wuxuu sheegay in laba qof oo is qarxiyey lagu istaajiyey meel u dhow halka laga galo kaniisadda.

Haddii aan halkaa lagu joojin lahayn wuxuu sheegay in khasaaruhu uu boqollaal gaari lahaa.

Warbaahinta qaarkeed waxay sheegtay in tacshiirad la is dhaafsaday markii uu dhacay qaraxii 1aad ka dib.

Weerarrada gobolka ka dhaca ma aha kuwo aan halkaa laga aqoonin, waxaana inta badan is qarxin lagu bar-tilmaameedsadaa qowmiyadda Hazara ee Shiicada.

Laakin masiixiyiinta laga tirada badan yahay ee Pakistan ayaa iyaga mararka qaar weerarro noocaas ah lagu qaadaa.