Somali News

Dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan.

Dagaal u dhaxeeyey labo maleeshiyo beeleed  ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Xajiin Farayar gaar ahaan tuulooyinka kala ah  Ilguulle iyo Bilcille oo hoostagta  degmada Matabaan ee Hiiraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey 1 qof, iyadoona dad intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo Aanooyin qabiil.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  in maanta  Xiisad Colaadeed ay ka jirto deegaanada lagu dagaalamay, iyadoona dadka deegaanka ay Ka Cabsi Qabaan Inuu Markale Dagaal ka dhaco, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Idaacadda Kulmiye.