Uncategorized

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka hadlay Somalida ku dhibaateysa wadamada Caalamka.

Muqdisho-KNN-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyey qorshaha dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso dalkooda Hooyo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dowladda Liibiya ay u fasaxday wafdigooda iney booqdaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Soomaalida dalkaasi ku dhiban, islamarkaana ilaa iyo iminka ay booqdeen labo xabsi oo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

” Anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha JFS waxaa naga go’an in aan soo deyno maxaabiista kale ee weli ku harsan Xabsiyada Liibiya,waxaan joognaa magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalkan,waxaan dhawaan booqanaynaa xabsiyo kale”Ayuu yiri Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Mudane Cali Siciid Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in iminka ay bilaabeen qorshihii dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhiban Liibiya, isagoo intaasi ku daray in inta ay awoodaan ay soo qaadi doonaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa xusay iney jiraan dhalinyaro badan oo gacanta ugu jira kooxaha arxan laawayaasha ah ee loo yaqaano Magafe, si dhalinyarada ay heystaan loo sii daayana ay ku dadaali doonaan qorshe walbo oo xoriyadda dhalinyaradaasi lagu heli karo.

Hadalkaan ka soo yeeray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa imaanaya xili ay socdaan dadaalo lagu doonayo in dalka dib loogu soo ciliyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibayaasha iyo kuwa kale xabsiyada ku caalamka ku jira.

Shalay ayey aheed markii garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dad ka badan 10 qof oo laga keenay dalka Liibiya, kuwaas oo qaar kood lagu kala iibsaday gudaha dalkaasi laakiin ugu danbeyn dowlada ay ku guuleysatay in dalkoodii hooyo dib loogu soo ciliyo.