Somali News

DFS oo amar ka soo saartay keenista qaadka ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dawlada Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay mowqif keeda ku aadan keenista qaadka ee dalka .

Maareeyaha hay adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in wax diyaarad ah oo sida qaad aysan imaaan karin guud ahaanba Soomaaliya.

Maareeyaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in  tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan, duuliyaha wada diyaaradaha  sida qaad ee isku dayda in ay timaado Soomaaliya.

Isagoo sidoo kale tilmaamay in dawlada Soomaaliya aysan u sii dulqaadan dooni in diyaaraddo qaad sida ay k soo degaan garoomada diyaaradaha ee dalka.

Tan iyo markii ay dawlada Soomaaliya ay joojisay keenista qaadka ee dalka, ayaa waxaa jirta in diyaarado sida qaad ay ka soo dagaan  garoomada qaar ee dalka, taas oo aan jirin cid ilaa iyo hadda ka qaadday wax tallaabo ah.