Uncategorized

Dhageyso:- Al-shabaab oo Hawada ka saaray Isgaarsiintii Kuunya-Barrow

Kuunya-Barrow–KNNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Hawada ka saareen Isgaarsiinta Degaanka Kuunya-Barrow iyo Tuulooyinka Hoos yimaada.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Sababta ay Al-shabaab Hawada uga saareen Isgaarsiinta ay tahay in aan la Ogaan Xogta Al-shabaab,Maadaama Shalay Degaanka Kuunya-barrow lagu beegsaday Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab islamarkaana Khasaare Xoog leh lagu gaarsiiyay Duqeyntii Shalay sidaana loo badinayo in ay Isgaarsiinta u jareen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Faah-faahin Dhameystiran