Somali News Uncategorized

DHAGEYSO:-Dowladda oo markale soo bandhigi doonto sahminta lagu sameeyay shidaalka.

Muqdisho-KNN-Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhowaan ay doonayaan in markale indhaha caalamka ay tusaan macluumaadka laga uruuriyay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ee sahminta shidaalka laga sameeyay.

Magaalooyinka Istanbul iyo yustan ee dalalka turkiga iyo mareykanka ay qorsheynayaan inay shirkadaha caalamka ee shidaalka ka shaqeeya ay ku tusaan macluumaadka laga uruuriyay sahminta shidaalka soomaaliya shirka London kaddib.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa wasiirku in xeebaha ku teedsan soomaaliland iyo puntland ay sahmin shidaal ku sameyn doonaan sanadkaan gudihiisa si shacabka soomaaliyeed ay ugu baahi baxaan kheyraadka dalkooda.

Halkan ka dhageyso Codkiisa:-