Uncategorized

Dhageyso:-Guud ahaan suuqa Ganacsiga ee Bakaaraha oo maanta xiran.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uusan furneen Suuqa weyn ee Bakaaraha qeybahiisa kala duwan ee Suuqaas sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo KNN la hadlay.

Xernaashiyaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka danbeysa ka dib markii Ganacsatada Suuqaas ay shalay sheegeen in ay joojinayaan Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Halkaan ka dhageyso qaar ka mid ah ganacsatada oo arimahaas ka hadlaya.

Dhageyso.