Uncategorized

Dhageyso:-Madaxweyne Sh Shariif Sheekh Axmed oo Shacabka Hambalyo u diray

Uganda–KNN-– Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku sugan Dalka Uganda oo Wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa Hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed,waxaana uu ugu baaqay in ay Iscafiyaan oo ay Gacmaha isqabsadaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale Shacabka ugu baaqay in ay Gargaaraan Dadka Danta yar ee aan Awoodin in ay Ciidaan islamarkaana waxa Alle Siiyay dadka wax haysta ay siiyaan kuwa aan wax haysan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka  Madaxweynaha Soomaaliya