Uncategorized

Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf”Diyaaraddii aan la socday waxaa Xanibay Dowladda Federaalka”

Cadaado–KNN--Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug ayaa ka hadlay  Safarka uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf oo ka soo kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa diyaaradii uu saarnaa ay ka dejisay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas uu saacado ku ahaa Transit.

Madaxweyne Xaaf oo wariyeyaasha la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ku eedeeyay  dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay carqaladeyso diyaaradii ka qaadi laheyd Hargeysa islamarkaana Mudo dhan Shan Saac uu halkaas ku Xarinaa.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulka Galmudug kula jirto Dagaal aan kala Go’laheyn islamarkaana Talaabadaasi ku Micneeyay mid Dowladdu ay ku Cuuryaamineyso Galmudug.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka