Uncategorized

Dhageyso:- Xeerilaaliyaha Qaranka oo Dalbaday in Xasaanadda laga qaado Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacanka

Muqdisho–KNN– Xeerilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka ay u gudbiyeen Warqad Golaha Shacabka looga dalbanayo in ay Xasaanadda ka Qaadaan Labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Labada Xildhibaan ayaa kala ah Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo Xildhibaan Xasan Macalim Maxamuud,waxaana Xeerilaalintu ay ku eedeysay Duminta Qaranka Soomaaliya,iyagoo Dhaqaale ka soo qaatay Dalal Shisheeye sida uu hadalka u dhigay Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

“Hogaanka Baarista Ciidamada Booliska iyo Hay’adaha ku shaqo leh Baaritaanka waxaan ku amrayaa  in ay qabsadaan Shaqadooda,waayo wax ka sareeya ma leh Sharciga,Cid kasta oo Sharciga ku Xad Gudubtana waa in Talaabo laga qaadaa”ayuu yiri Xeerilaaliyaha Qaranka.

Labada Xildhibaan ee Eeda loo soo jeediyay ayaa ka tirsan Xisbiga Daljir,iyadoo weli aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Xildhibaanada la Eedeeyay.

Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato