Somali News

Donald Trump oo la sheegay in uu Heshiiskii Iran uga baxay si uu ugu xumeeyo Obama.

Muqdisho-KNN-Donald Trump waxaa uu uga baxay heshiiskii Nuclear ka Iran si uu ugu xumeeyo Brack Obama, sidaasna waxaa laga ogaaday qoraal uu qoray Safiirkii hore ee UK u fadhiyay Washington.

Kim Darroch ayaa talaabada Trump waxaa uu ku qeexay “bur-bur Dublamaasiyadeed”, warkaana waxaa lagu daabacay wargeyska Sunday Mail.

Qoraalka safiirkii hore oo si qarsoodi ah loo helay ayuu u qoray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Boris Johnson. 

Heshiiskii uu Trump ka baxay waxaa uu ahaa Heshiis ay Iran ku ogolaatay in ay xadido dhaq-dhaqaadeeda Nuclear-ka waxaana hadda Iran ay soo celisay bacriminta Uranium ka.

Dhamaan dalalkii hesiiska ku jiray ayaa u arka Trump in uu Heshiiska maja xaabiyay.

Safiirkii UK ee Washintong ee warkaan laga helay ayaa iscasilay todobaadkii hore kadib markii ay aad u murmeen Trump oo uu ku tilmaamay maamulkiisa inuusan xirfad lahayn.