Somali News

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineysa Dhalinyaro ku xirneyd Xabsiyada Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa dalka dib ugu soo celisa dhalinyaro ay maxaabiis ahaan u haysteen kooxaha Magafayaasha ee dalka Liibiya.

Dhalinyarrada oo tiradoodu gaareyso 9 ruux ayaa la sheegay qaab tahriib ahaan ay ku tageeb dalka Liibiya, halkaasi oo ay doonayeen in ay uga sii gudbaan Europe.

Xoghayeha 1-aad Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka Dowladda ee SONNA u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya, isla markaasna berri oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan xabsiga kula kulmeen dhibaato badan.