Somali News

Dowladda Suuriya oo sheegtay in gantaalo looga soo tuuray dhanka Isarel

Muqdisho-KNN-Dowlada Suuriya ayaa sheegtay in ay ka hortageen dhawr gantaal oo looga soo tuuray dhanka Israel.

Warkan oo laga baahiyay Tv’ga qaranka ee Suuriya ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca ee Suuriya ay fashiliyeen qaar kamid ah gantaalada looga soo ganay dhanka Israel.

Wakaalada wararka ee Suuriya ayaa shaacisay in gantaalada ay Israel soo tuurtay lala beegsaday galbeedka magaalada Dimishiq ee caasimada u ah dalkaasi.

Tv’ga qaranka ee Suuriya ayaa sidookale soo bandhigay sawiro muujinaya iftiinka gantaalada oo xalay laga soo ganay dhanka buuraha Golan sida ay Suuriya sheegtay.  

Dabayaaqadii bishii aynu kasoo gudubnay ayay ahyd markii sadax kamid ah ciidamada suuriya ay ku dhaawacmeen duqaymo ay Israel ka fulisay magaalada Musayaf ee gobolka Hama.

Militariga Israel ayaanan intabadan ka hadlin duqaymaha uu ka gaysto gudaha suuriya.