Somali News

Dowladda UK oo ku deeqday lacag loogu talagalay howlgalka ka dhanka Al-shabaab

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday 5 milyan oo gini oo lagu taageerayo Ciidamada Amniga  Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay lacagtan la marsiin doono Xafiiska Qaramada Midoobay Taageerada Soomaaliya.

Yabooha lacagta ee dowladda UK ayaa ku soo aadeya xilkii dhowaan kulan dhexmarayx qLa-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK Arrimaha caalamiga ah, Dame Sarah oo booqasho ku timid Soomaaliya usbuucii hore.

“UK waxay bixin doontaa taageero joogto ah inta uu socdo Hawlgallada ka dhanka ah al-Shabaab,  waxayna caawineysa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si loo dhiso tayadooda”  ayay tiri Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka, Dame Sarah MacIntosh.