Somali News

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay safiirka midowga yurub ee Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Somalia Mrs, Tiina Intelmann.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Yurub, gaar ahaan horumarrinta Amniga, dib-u dhiska goobaha Danta Guud, bilicda Caasimadda, shaqa abuurka Dhallinyarada, maareenta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa looga hadlay hoos u daadajinta adeegyada Bulshada, naleynta magaalada, diyaarinta doorashooyinka golayaasha deegaanka, iyo Maqaamka Caasimadda.