Somali News

Eretria oo lagu eedeyay in ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wado Gobolka Tigrey

Mareykanka ayaa sheegay in uu la socdo dhaq-dhaqaaqa ciidamada Eritrea ee ka socda waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ka dib markii fallaagada halkaas ku sugan ay sheegeen in weerar ballaaran uu socdo.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, ayaa in ay dareensan yihiin wararka sheegaya in Eretria ay gudaha u gashay Itoobiya.

Wuxuu sheegay in ciidamada shisheeye ay ka fogaadaan in ay huriyaan colaada ka aloosan Tigrayga.

Mr Hammer waxa uu sheegay in joogitaanka ciidamada Eritrea ay sii hurin karo colaada ka aloosan Gobolka  Tigrayga.

Mar sii horaysay afhayeen u hadlay jabhada TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in dagaal culus uu ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka.