Somali News

Faa-faahino laga helayo wade Mooto Bajaaj oo xalay lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa Faa-faahino dheeraad ah laga helayaa dil waabarigii hore ee sakay ka dhacay dagmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaana dilkaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa wade Mooto Bajaaj.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaaliya ayaa la sheegay in uu geystay dilka oo ka dhacay meel aan ka fogeyn daarta Seybiyaano.

Ehelada wiilka la dilay ayaa KNN u sheegay in xiliga ladilayay oo aheyd 40:00am ee hebeynimo kuna beegneyd waqtiga Saxuurta uu Isbitaal u waday Haweeney Foolaneysay, waxaana sida la sheegay wiil ay walaalo ahaayeen.

Maxamed Aadan Cusmaan oo ka mid ah dhalinyarada wadayaasha Bajaajta oo isagu dilka ka dib goobta soo gaaray ayaa KNN u sheegay in Askarigu si barer ah u dilay wiilka darawalkaa meydkiisuna uu mudo yaalay Isbitaalka.

Intii ay jirtay dowladdaan uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaarahana ka yahay Kheyre waxaa Muqdisho joogto ka noqday dilalka loo geysto dhalinyarada ku xamaalata Mooto Bajaajta, mana jirto ilaa hada cid Cadaaladda loo soo taagay dilalka ay Askarta dowladdu u geysato dhalinyarada Bajaajleyda ah ee Muqdisho kalagu dilay.