Uncategorized

Faah-faahin Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose

Afgooye–KNN– Dagaalameyaasha Hubeysan Ee Al-shabaab ayaa Xalay Fiidkii Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Dhanka Buunda yare.

Al-shabaab ayaa Dagaalka ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye waxaa Barbar socday Bambaanooyin ay ku Garaaceen fariisimaha Ciidamada Dowladda,waxaana sidoo kale halkaas ka dhacay Dagaal Mudo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen Degmada Afgooye,balse Ciidamada Dowladda ay iska Caabiyeen.

Illaa hadda ma jirto Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray Labada Dhinac inta uu dhan yahay,iyadoo sidoo kale aan la ogeyn Khasaaraha Dadka Shacabka ah ka soo gaaray Dagaalka.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro is xig xiga ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho 30-KM dhanka Gelbeed ka xigta.