Somali News

Faah faahino ka soo baxaya qarax lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Xoogga

Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya ayaa qarax miino lagu eegtay inta u dhaxeysa degmooyin Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Kolonyada ciidanka ayaa waxaa la socday saraakiil iyo askar kale, iyaga oo halkaasi ka waday howlgal ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab.

Qaraxa miino ayaa sababay dhimashada saddex askari iyo dhaawaca 11 kale, siday xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Dhaawacyada ayaa waxaa kamid ah  abaanduulaha guutada 10-aad ee qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Rashiid Bohol.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq.