Somali News

Faah faahino ka soo baxaya qarax miino ka dhacay Gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax  oo maanta ka dhacay deegaanka Booco 30 KM kaga beegan Koofurta Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa kowaad oo ahaa miino la galiyay wadada ayaa waxaa lala eegtay gaari nuuca Cabdi bilaha ah, waxaana ku geeriyooday laba sarkaal oo uu ku jiro Madaxii saadka ee guutada 5-aad ee ciidanka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan, Barre Ceyroow.

Qaraxa labaad oo isna ahaa Miino ayaa waxaa uu haleelay mooto Bajaaj ay saarnaayee dad shacab ah oo mareysay inta u dhaxeysa ay deegaanka Booco iyo magaalada Beledwayne.

Laba ruux oo shacabka ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka labo kelena ay ku dhaawacmeen.