Somali News

FBI-da Mareykanka oo sheegtay in Iiraan iyo Ruushka ay hayaan xogta codbixiyaasha Mareykanka.

Saraakiisha ammaanka qaranka Mareykanka ayaa waxa ay ku warrameen in Iiraan ay mas’uul ka aheyd email-lo hanjabaad ah oo loo diray codbixiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga.

Email-lada ayaa waxa ay u muuqanayeen inay ka yimaadeen kooxda midig-ta fog ee gacansaarka la leh Trump, waxaana loogu talagalay in “deganaanshiyo la’aan” lagu horseedo, Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka Mareykanka John Ratcliffe ayaa sidaasi sheegay.

Mr Ratcliffe ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha Mareykanka ay ogaadeen in Iiraan iyo Ruushka ay heleen “qeyb ka mid ah xogta diiwaanka codbixiyaha”.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada.