Somali News Uncategorized

FBI-da oo waraaqo sir ah ka heshay guriga MW ku xigeenkii hore Mareykanka

Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI ayaa waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence ee ku yaalla gobolka Indiana, intii lagu gudajiray baadhitaan ay saraakiisha hay’addu ku sameeyeen maalintii Jimcaha.

Baadhitaankan ayaa yimi, ka dib markii qareenada Mike Pence ay guriga madaxweyne ku xigeenka ka heleen bishii hore waraaqo xasaasi ah oo ay dawladdu leedahay.

Lataliyaha madaxweyne ku xigeenkii hore, Devin O’Malley ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dhamaystirtay baadhitaan dhamaystiran oo aan xadidnayn oo qaatay shan saacadood oo lagu sameeyey guriga Pence.

waxayna guriga ka heleen “hal document oo sira, iyo illaa lix bog oo kale oo aan wadanin tixraac sheegaya sir ahaansho, kuwaas oo aanay hore u aqoonsan la taliyaha sharciga ee madaxweyne ku xigeenka hore.