Somali News

Galmudug oo si kulul ugu hadashay ciidamo la wareegay Madaxtooyada Cadaado.

Cadaado-KNN-War ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ay ciidamada Danab iyo NISA ay kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee ku taalla magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Maxamed Cabdi Aaadan Agaasimaha Madaxtooyada galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu xun yahay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan Maamulka Galmudug, taasi uu ku tilmaamay in ay nasiib daro ku tahay dowladda.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa waxaa uu  dowladda dhexe ku dhaliilay in ay Galmudug ka waddo waxaa uu ku tilmaamay khal khal gelin siyaasadeed iyo mid amni, waxaa uuna sheegay in taasi ay dhibaato badan ka dhalan karto.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in amar ka soo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug lagu amray Ciidamada Daraawiishta Galmudug in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen faragelinta ay ku hayso dowladda federaalka Soomaaliya.