Somali News

Garab ka mid ah Beelihii ku dagaalamay Ceel-Afweyn oo wareejiyey Hubkii iyo Gaadiidkoodii dagaal

Hargeysa-KNN-Mid ka mid ah labadii beelood ee muddoyinkii lasoo dhaafay ay dagaaladu ku dhex marayeen degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ay gaadiid dagaal iyo hubkii saarnaa ay ku wareejiyeen Xukuumadda Somaaliland.

Odayaasha dhaqanka beesha wareejisay hub iyo gaadiidkoodii dagaalka ayaa sheegay in ay u hoggansameen amar dhowaan kasoo baxay Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi, kaasi oo ahaay in belaha dagaalamaya ay soo wareejiyaan hubkooda, iyagoo ka dalbaday garabkii kale in ay qaataan go’aankooda oo kale si bey yiraahdeen uu deegaanku nabad u noqdo.

Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ayaa ku sugnaay munaasabadd Saraakiil ka socotay Somaliland loogu wareejinayey hub iyo gaadiid dagaal oo mid kamid ah beelihii ku dagaalmayey Ceel-afweyn ay wareejinaysay.

Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka beeshaas ayaa yiri, “Gaadiidkan Tiknikada ah anaga ayaa lahayn oo qaaraan aan iska ururinay ayaan ku iibsanay, waxaana u iibsanay si aanu iskaga ilaalino cadowga meelaha fog-fog ka imanay, balse shacab iyo Somaliland toona uma aanaa iibsan in aanu ku waxyeelayno”.

Saraakiishii ka socotay Somaliland ee la wareegtay hubkaas ayaa sheegay in aysan jirin wax cadaadis ah oo Somaaliland ay beeshaas ku saartay in ay ku wareejiso hubka iyo gaadiidkooda dagaal, yagoo ku amaanay xil kasnimo iyo dowlad jaceyl ay shegeen in ay muujisay beeshaas.