Uncategorized

Golaha Aqalka sare oo maanta ka arinsanaya xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq

Muqdisho-KNN-Xubnaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya laba qodob oo kala ah xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool iyo jadwalka Golaha ay ku shaqeyn doonaan inta lagu guda jiro bishaan Barakeysan ee Ramadaan.

Muadanayaasha Golaha Aqalka sare ayaa la filayaa in kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Aqalka sare oo ka dhacaya xarunta Golaha ee magaalada Muqdisho ayaa guddi u saari doono xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool.

Deegaanka Tukeraq ayaa waxaa maalmihii dambe ku dagaalamayay ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland, iyadoona labada dhinac ay  is gaarsiiyeen  khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.