Uncategorized

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo lacag 1 milyan ah gaarsiinaya dadka ay saameeyeen Fatahaadaha

Muqdisho-KNN-Guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadaha ayaa sheegay in dhawaan dadka ku nool deegaanada ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeele ay gaarsiin doonaan lacag dhan 1 milyan oo dollar.

Guddoomiyaha Guddiga ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka dhawaajiyay hadalkaan asigoona tilmaamay in fulinta howshaan ay la socon doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii kulan ay ku yeesheen guddiga gurmadka iyo xubno ka socday Baarlamaanka Soomaaliya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kana hadleen sidii dadka la daala dhacaya saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiga wax loo haarsiin lahaa.