Uncategorized

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/Hoose oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Afgooye-KNN-Guddoomiayaha Cusub ee gobolka Sh/Hoose Maxamed Ibaraahim Bare oo dhawaan xilkaas uu u magacaabay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu furi doono wadooyinka iyo deegaanada ay gu`adoomiyeen kooxda Al-shabaab ee ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii Al-shabaab dhibaatada ay ku hayaan shacabka ay ugu dul qaadi lahaayeen siduu hadalka u dhigay guddomiye Maxamed Ibraahim.

Deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaasha Al-shabaab iyadoona deegaanada kale ee maamulka gobolka ay ku sugan yihiin Al-shabaab ay ka fuliyaan dilal iyo weerar qorsheysan.

Shalay aheed markii qarax ismiidaamin ah dagaalameyaasha Al-shabaab ay ka fuliyeen xarunta gobolka Sh/Hoose ee Afgooye qaraxaasi oo lala beegsaday kolonyo ciidamada Baangaraafta ee Mareykanka uu tababaray.