Somali News

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo gaarey magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa goordhow gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku dhaw ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.