Uncategorized

Haweenay jabhad ka mid ahaan jirtay oo madaxweyne ku xigeen noqotay

Lucia Topolansky ayaa loo doortay in ay noqotay haweenaydii ugu horaysay oo madaxweyne ku xigeen ka noqota dalka Uruguay ee Latin Amerika, halkaas oo mar ninkeeda uu madaxweyne kasoo noqday.

Lucia ayaa la doortay kadib markii uu is casilay Jose Sendic oo loo haysto fadeexado musuqmaasuq .

Haweenaydan ayaa mar ka mid ahayd madaxda jabhad dalkaasi ka dagaalanta oo uu ninkeeda hoggaamiye ka ahaa, waxayna gashay xabsi muddo 13 sanno ah, waxayna la kulantay jirdil aad u daran.

Jose Mujica ayaa caan ka noqday aduunyada oo dhan kadib markii uu dad masaakiin ah siiyay mushaarkiisa oo dhan, kuna noolaa nolol caadi ah, iskana diiday in uu dego qasriga madaxtooyada.

Haweenaydan ayaa sidoo kale madax ka noqonaysa labada aqal ee baarlamaanka dalkaas.

Mujica iyo Topolansky ayaa waxa ay hormuud ka ahaayeen jabhaddii hubeysnayd ee dalkaas ka jirtay intii u dhaxaysay 1960-kii illaa 1970-kii.

Waxa lagu xusuustaa in ay isaga soo tagtay qoyskeeda oo aad u ladnaa, kuna biirtay jabhadda iyada oo da’yar.

Iyada oo 38 qof kale oo maxaabiis siyaasadeed ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala dalkaas sanadkii 1971-dii, iyaga oo ka baxay bulaacado dhulka hoosta mara iyo godad loo qoday.