Somali News

Hoggaamigaha Mucaaradka Gabon oo xabsi guri laga dhigay

Hogaamiyaha mucaaradka Gabon, Guy Nzouba-Ndama, ayaa xabsi guri ah muddo shan maalmood ka dib markii lagu qabtay xadka Congo isagoo wata shandado ay ka buuxaan qiyaastii $2 milyan oo doolar.

Mr Nzouba-Ndama – oo ah musharrax doonaya in uu tartamo  doorashada madaxtinimo ee soo socota – ayaa lagu soo oogay inuu ku xad-gudbay xeerarka dalka maadaama lacag dal kale ka timid uu watay.

Balse qoraal ka soo baxay Xisbigiisa, The Democrats, ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

76-jirkan ayaa 19 sano ahaa afhayeenka baarlamaanka qaranka, wuxuuna ahaa saaxiib daacad ah madaxweynihii hore, Omar Bongo, oo ah aabaha dhalay madaxweynaha hadda talada haya ee Ali Bongo Ondimba.