Somali News Uncategorized

Hoggaamiyaha mucaaradka Sinigaal oo maanta la maxkamadaynayo

Dakar-KNN: Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Sinigaal Cusmaane Sonko ayaa maanta hor imaamaya maxkamad gaar ah oo dhagaysanaysa dacwad hogaamiyahaan ka dhan ah oo la xariirta kiis kufsi ah oo lagu eedeeyay.

Siyaasiga Sonko oo 46 sanno jir ah hogaamiyana xisbiga mucaaradka ah ee Pastef la yiraahdo ayaa bishii hore warbaahinta dalkaasi baahisay haweeney sheeganaysa inuu kufsaday taasoo hadal hayn badan abuurtay.

Baarlamaanka dalka Sinigaal ayaa xasaanada ka qaaday siyaasigaan todobaadkii hore si ay booliska ugu fududaato inay su’aalo weydiiyaan oo ay baaraan kiiskiisa.

Cusmaane Sonko waa uu beeniyay eedaan waxaana uu sheegay in kiiskaas uu gadaal ka riixayo m/weynaha talada haya Maci Saal.

Hogaamiyahaan waxaa uu ka mid yahay siyaasiinta aad u mucaaradsan xukuumadda hadda dalka Sinigaal ka jirta waxaana uu u sharaxanyahay doorashada loo balansanyahay sanadka 2024.