Uncategorized

Howlgalo lagu soo qabtay Shacab iyo Ciidan oo Muqdisho laga sameeyay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa xalay Howlgal waxay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah degmada Dharkeynlay ee gobalka Banaadir, waxaana lagu soo qab qabtay dad isugu jira Shacab iyo Ciidan sida ay sheegeen masuuliyiinta gobalka Banaadir.

Ugu yaraan 10 Ruux ayaa lagu soo qab qabtay Howlgalka waxaana dadka la qabtay ku jira Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo deganaa Xaafadaha Baaritaanka laga sameeyay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Dadka la soo qabtay oo qaarkood xirnaayeen dharka Tuutaha Ciidanka Milatariga ayaa lagu soo bandhigay Saldhig Galbeed waxaana la sheegay in Ciidamada amaanka ay sii wadi doonaan Baaritaanada nuucaan oo kale ah.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir oo goobta lagu soo bandhigayey raggaas ku sugnaa ayaa sheegay in ragaas ay ahaayeen kuwo dadka Shacabka ah dhibaaten jiray,isla markaana mararka qaar Guryaha ugu geli jireen.