Uncategorized

In kabadan 20,000 oo arday oo maanta u fariisanaya Imtixaanka Dowladda

Muqdisho-KNN-Imtixaanka Guud ee Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka billowday magaaladda Muqdisho iyo Xarumaha Maamul goboleedyadda, kaasi oo ay ka qaby galayaan in ka badan 20,000 oo arday sida ay Shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Wax barashadda Soomaaliya, Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa lagu qabanayaa 120 Xarumood oo ku kala yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka  xarumaha u ah maamuladda Jubbaland , Koofur Galbeed, Hirshabeele, iyo Galmudug.

Maamul goboleedka Puntland kuma jiro meelaha ay ardaydu u fariisanayaan Imtixaanka dhexe ee Dowladda, maadaama maamulkaasi uu si gooni ah u qaado imtixaanadda dhexe.

Wasiirka waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa Todobaadkii hore sheegay in tiradda Ardayda ee imtixaanka galeeysa ay yihiin 27,600 oo arday.

C/raxmaan Daahir ayaa sidoo kale sheegay in aydardaydii Imtixaanka ku gali-lahayd Magaaladda Baladweeyne ay dib u dhacayaan maadaama magaaladaasi uu ka jiro fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Tiradda ardayda imtixaanku dib uga dhacayo ayuu wasiirku ku sheegay 1,400 oo arday.