Uncategorized

Inkabadan 100 qof oo ku dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Wadanka Cuba.+SAWIRO.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Dalka Cuba ayaa Baahisay maanta in ugu yaraan 110 Qof la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Cuba iyada oo Diyaaradda ay dhacday waxyar kaddib markii ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Jose Marti,kaas oo ku yaalla caasimadda Havana ee Cuba.

Boqolaal Reer Cuba ah ayaa soo buux dhaafiyay halka ay ku soo dhacday Diyaaradda kuwaas oo baadi goobaya Ehelkooda waxayna ku cataabayeen Erayo ay ugu qeyli dhaaminayaan Dowladda inkasto uu shilkaan aan la ogeyn waxa sababay.

Diyaaradda oo uu nooceedu yahay Boeing 737, waxaa ay wadday  104 qof oo Rakaab ah iyo 9 shaqaale ah,waxaana la rumeysan yahay in kaliya saddexda qof ee xaaladda halista ah ku jira ay ka badbaadeen.

Wargeyska Prensa Latina,ayaa sheegay in Diyaaradda ay ku sii jeedday Magaalada Bariga ku taalla ee Holguin,iyada oo dhacday markii ay daqiiqado yar hawada ku jirtay.