Somali News

Jubbaland oo abaabuleysa Howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo Dowlada ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada. Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.

  1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
  2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
  3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
    Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.