Uncategorized

Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay go’aamadii dowladda federaalka.

Kismaayo-KNN-Maamulka Jubbaland ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray amarkii dowladda dhexe ay kusoo rogtay diyaaradaha ka baxaya ama soo galaya magaalada Kismaayo, iyo sidoo kale warkii wasaaradda arimaha gudaha ay ku diiday natiijada doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayey ku sheegtay in aanay go’aamada xukuumadda Soomaaliya wax saameyn ah ku yeelan doonin maamul goboleedka Jubbaland, ayna iska difaaci doonto ficillada dowladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay maamulkooda ku beegsaneyso.

“Waxaan caddeeneynaa in go’aanka arrimaha ku saabsan xayiraadda duulimaadyadda iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ay xadgudub ku tahay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaqa u leeyihiin, Jubbaland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay difaacayaan xuquuqdooda dastuuriga ah qiima kasta ha ugu kacdee,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Jubbaland:-