Uncategorized

Khasaaro ka dhashay Roobab duufaano wata oo ka da`ay magaalada Barbara ee Soomaaliland

Hargeysa-KNN-Roob xoogan oo duufaano wato ayaa xalay saqdii dhexe ka da`ay magaalada Barbara ee deegaano kale oo ka ag dhow kuwaas oo uu ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo magaalada Barbara ay xarun u tahay Axmed Cismaan Xasan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay kadib markii Guri uu daganay uu ku soo dumay, isla markaana ay ka daadgureeyeen guryahoodii 950 qof dadkaas oo la dajiyay dugisyada ku yaala xaafadaha magaalada Berbera.

Horay ayey aheed markii hay`adaha cir bixiyeenada ah ay ugu digeen Roobab dabeyla wata oo ka da`a deegaanada dhaca Waaqoyga gobolada Soomaaliya.

Mas`uuliyiinta Soomaaliland iyo Puntland oo la sheegay  in deegaanada ay maamulaan ay ku dhufan doonaan Roobab dabeyla wata ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.