Somali News

Kheyre oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada-jeestaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamay xukun ku dhisan Keligii-talisnimo.

“Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.” Ayuu yiri Ex. Ra’iisul wasaare khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sheegay in weerarka xalay lagu qaaday Hoteelka ay deggan yihiin Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh uu bilow u yahay Natiijada xukun isku-dhejinta madaxweyne Farmaajo.

“In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.” Ayuu sii raaciyay Mr Khayre.