Uncategorized

Kulamo looga hadlayo fatahaada iyo abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya ragaadiyay oo ka dhacay Nairobi

Muqdisho-KNN-Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa ka soconaya kulan looga hadlayo Arrimaha Fatahaada iyo Abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya ragaadiyay.

Kulamadaan ka soconaaya magaalada Nairobi ayaa xooga lugu saaray sidii deg deg wax looga qaban lahaa dadkii saameynta u gaysatay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxaana ay isku raaceen Madaxda Dowladda Soomaaliya ee Shirka ka qeybgalayo, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka in si deg deg ah in gurmad loogu fidayo dadka ka barakacay Magaalooyinka fatahaada uu Wabigu ka  gaystay.

Dhinaca kale waxaa diirada la saaray amba qaadka wajiga labaad ee qorshaha dib u kabashada u adkeysiga Abaaraha iyadoo layla gartay der dergalinta Mashaariicda dib u kabashada, waxaana la noolaynayaa ilaha kala ah Waxsaarka sida kaluumeysiga Beeraha, Xoolaha,Biyaha, Tamarta iyo qodab kale kuwaas oo ku baxayo dhaqaaale fara-badan.

Kulanka ayaa la rajeynayaa in ugu dambeyn laysku raaco qodob la-fulin karo Shanta Sano ee socda si Soomaaliya ay u sameeyso dib u kabasho ballaaran.