Somali News

kulamo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo M/gobaleedyada oo weli ka socda Garowe.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in maanta  la filayo in la soo gunaanado kulamada gaar gaarka ah oo shalay ilaa iyo hada ka socday Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Shirka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey labadooda madaxweyne u soo noqday iyo Madaxda Maamulada, Jubbaland, Puntland , Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed.

Dhinayacyada uu shirka u dhexeeya ayaa waxaa la sheegay in ay isku afgarteen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay shirweyne ku qabato Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada, inkastoo aan weli la helin xogta saxda ah ee shirkaasi.

Masuuliyiintan  shirka ugu socda Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay maalmo ka hor ay tageen Magaaladaasi, iyagoona ka qeyb galay Xaflada Caleema saarka ee madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana xusid mudan in ay kala aragti duwanaayeen madaxda dhamaantooda ku sugan Magaalada  Garoowe.