Uncategorized

Kulankii Baarlamaanka Ee Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb galayay oo dib u dhacay

Muqdisho–KNN– Maanta oo Sabti ah waxaa lagu waday in Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku yeeshaan Kulan aan Caadi aheyn,waxaana ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Qudbad ka horjeedin lahaa Baarlamaanka Labada Gole.

Hayeeshee Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid Kulankii aan Caadiga aheyn ee Maanta loo balansanaa in ay isugu yimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajana uu Qudbada ka horjeediyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

Sababta uu dib ugu dhacay Kulankii aan Caadiga aheyn ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaan la ogeyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Qudbadda uu Baarlamaanka ka horjeedin lahaa waxaa uu uga hadli lahaa Xaaladda Guud ee Dalka gaar ahaan Xaaladda Dagaal ee Dalka uu galay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa Saxaafadda u sheegay Khamiistii la soo dhaafay in Dalka uu galay Xaalada Dagaal oo Madaxda Dowladda ay horkacayaan.