Muqdisho-KNN-Wasiirka
arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in aysan waxba iska
badalanayn mawqifka Pyongyang xitaa haddii Maraykanku dalbado wadahadallo
dheeri ah.
Ri Yong Ho ayaa hadalkan jeediyay ka dib shirkii
madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim
Jong-un ay ku yeesheen Vietnam, kaas oo ku soo idlaaday is afgarad la’aan.
Wuxuu sheegay in ay waydiisteen in qayb ahaan
laga qaado cunaqabataynta, balse aan gabi ahaanba laga qaadin.
Balse maamulka Trump ayaa ku adkaystay in
Waqooyigu ay waydiisteen in cunaqabataynta oo dhan laga qaado.
Wadahadalka ka dib Trump wuxuu sheegay in Kim uu
u soo dhigay in uu burburin doono dhammaan xarunta Yongbyon ee loo adeegsadao
cilmibaarista iyo samaynta hubka nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi, kaas oo ah
qorshe ahmiyad wayn leh.
Balse taas badalkeeda uu Kim doonayay in
cunaqabataynta oo dhan laga qaado, arrintaas oo Maraykanku uusan diyaar u
ahayn, ayuu intaas ku daray Trump.
