Somali News

Macalim dugsi, oo Gabar 9 sano jir ah ku kufsaday Beladweyne

Beladweyne-KNN-Wararka ka imaanayo magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Macalim dugsi Qur’aan uu halkaasi ku kufsaday Gabar 9 sano jir ah oo katirsaneed Ardaydii uu waxbarayay.

Agaasimaha Isbitaalka Guud ee magaalada Beladweyne Dr Axmed Maxamed Khaliif ayaa KNN u sheegay in Gabadha oo la keenay Isbitaalka ay ogaadeen in la kufsaday Gabadha islamarkaana ay siiyeen daawooyin wax u taraya caafimaadkeeda.

Macalimka kufsiga geestay ayaa la sheegay in uu heestay hub uu ka dhax dagaalamay dugsiga kadibna uu baxsaday waxaana ku raad jooga Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Beladweyne ayaa shalay warbaahinta u sheegay in ay ku raad joogaan Ninka kufsiga geestay sharcigana ay hor keeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.