Somali News

Madaxda Maamulada Jubaland & Koonfur Galbeed oo ka hadlay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Waxaa xalay kooxo bistoolado ku hubeysan ay Magaalada Muqdisho ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubaland.

Xildhibaanka xalay muqdisho lagu dilay ayaa waxaa dilkiisu uu si gar ah uga dhacay degmada Dharkiinleey waxaana xildhibaanka lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Xasan (Sandheere) kooxdii dilka u geysatay xildhibaanka ayaana goobta isaga baxsatay.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo xaqiijiyay toogashada mudanaan katirsanaa Baarlamaanka Jubaland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanka.

Sidoo kle Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa isna ka hadlay dilka xildhibaan isaaq oo kooxo hubeysan ay ku toogteen magalada muqdisho waxa uuna madaxweynaha KG utacsiyeeyey ehelada marxuumka.

Sidoo kale Waxa uu xusay Madaxweyne Laftagareen in Marxuum Sandheere uu muddo dheer u soo adeegayey Dalka iyo dadka Soomaaliyeed  isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxaana masuuliyada dilka Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan (Sandheere) sheegatay Dagaalamayaasha kooxda Al shabaab, iyagoo sheegay in xildhibaanka uu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.