Somali News

Madaxdii hore ee Iran oo ku baaqay isbedel siyaasadeed

Madaxweynihii hore ee dalka Iran Mohammad Khatami iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mir Hossein Mousavi ayaa ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Iran, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado ka dhashay dhimashadii gabadhii yarayd ee lagu magcaabi jiray Mahsa Amini, taas oo ku dhimatay gacanta laamaha ammaanka ee dalkaas.

Iyada oo ay soo dhowaatay sannadguuradii 44aad ee kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo dalkaas ka curtay sannadkii 1979, ayaa Mir Hossein Mousavi oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee dalkaas ka jira, ayaa ku dhiiraday inuu ku baaqo “isbedel aasaasi ah” oo lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas, isaga oo sheegay inuu waajahayo qalalaase sharci.

Madaxweynihii hore ee dalkaas Khatami ayaa isaguna hoggaamiya dhaqdhaqaaqa isbedel doonka ee dalkaas, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay “in dhacdooyinka maanta muuqdaa inay yihiin kuwo si weyn looga niyadjabo”.