Somali News

Madaxweynaha Faransiiska oo ku baaqay in wax laga badalo Midowga Europe.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Faransiisa Emanuel Macron ayaa soo jeediyay isbadallo dhowr ah si loo xaqiijiyo mustaqbalka Midowga Europe.

Warqad uu aragtidiisa ku daabacay oo laga aqristay Europe oo dhan ayuu ku baaqay in labuuro hey’ad ilaalisa Amaanka internet-ka.

Iyadoo ay soo socdaan Doorashooyinka Bisha May ayaa sidoo kale Madaxweynaha Faransiisku waxaa uu booriyay in laga hortago in Awoodaha shisheeye ay maalgaliyaan Xisbiyadda Europe.

Waxaa uu sidoo kale Warqadiisa ku sheegay in Dadka ingiriiska aan si fiican loo war galin ka hor inta aysan u coddeeyn ka bixitaanka Midowga Europe.

Warqadda uu qoray macron waxaa lagu daabacay dhamaan wargeeysyadda 28 ka wadan ee Ururku ka koo banyahay waxaa uu muwaadiniinta midowga Europe ku ogeeysiiyay isbadallo loo baahanyahay on midowga lagu sameeyo.