Somali News Uncategorized

Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay hoygiisa  ku booqdeen Madaxweynihi hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Kulanka Madaxwweyneyaasha ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda guud ee xilligan uu  dalka marayo iyo xayiraadii la saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, si uu kaga qeyb galo caleema saarka Madaxeynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe).

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka soconayay kulamo looga hadlayo xaalada gud ee dalka iyo xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.