Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Sacuudiga+ SAWIRO

Muqdisho-KNN-Maxmed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Farmaajo ayaa waxaa soo dhaweeyay Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo dalkaasi ka tirsan.

Waxaa kaloo Madaxweynaha soo dhaweeyay xubno ka tirsan Safaaaradda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya oo ka sii horeeyay wafdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa dalkaasi uga qayb gali doona Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Sacuudiga.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ay ku jiraan Xaaladda Bariga dhexe gaar ahaan Falastiin, Suuriya, Yeman iyo Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.