Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo udiray Madaxweynaha dib loo doortay ee Dalka Kenya.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa maanta hamabalyo u diray dhiggiisa Dalka Kenya ee dib loo doortay Uhuru Kenyatta kadib markii uu tartanka isaga haray hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Railo Odinga.

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Hambalyo udirayo Uhuru Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashada waxaana uu u rajeeyay in uu sii socdo Xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Twitter-ka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Aniga oo ka wakiil ah shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan kaaga hambaleynayaa guusha aad ka gaartay doorashadii ka dhacday 26kii Bishan Dalka Kenya”.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Railo Odinga ayaa lagu wadaa in uu maanta warbaahinta la hadlo Islamarkaana uu faah faahin ka bixiyo go’aanka Xisbigiisa ee doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday Dalkaasi.