Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka lagula Jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kullan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hay’adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii birimageydada ahaa ee ay sida waxshinimada ah u laayeen Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, ayna u istaago sidii loo cirib tiri lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyaga oo wada shaqeyn buuxda la yeelanaya laamaha amniga.